DEG DEG: Madaxwyane Farmaajo oo markale la filayo in uu u duulo Asmara+Sababta…

494

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia ayaa waxay sheegayaan in la filayo in madaxwaynaha Dowlada Fesderalka Somalia uu u kicitimo dalka Eriteria mar labaad.

Madaxwaynaha ayuu safarkani noqonayaa midkii labaad tan iyo intuu isbadalka Siyaasadeed ka dhacay dalka Ethiopia taasi oo ay ka bilaabatay iskaashi iyo xidhiidh wanaagsan oo dhex mara dalalka Ethiopia iyo somalia iyo waliba Eriteria iyo Ethiopia oo gaadhay heshiis si dag dag ah ku yimid.

Si kastaba ha ahaatee socdaalka madaxwaynaha ayaa wuxuu kusoo aadayaa wakhti ay geeska Africa looltan iyo tartan ugu jiraan dalalka caalamka gaar ahaan bariga iyo galbeedku.

- Advertisement -

Dalalka Ruushka, Maraykanka iyo shiinaha ayaa waxay geeska Africa ugu jiraan tartan dheer oo ay ku kala kasbanayaan xulufoonyin siyaasadeed iyo dhaqaale iyadoo sidoo kale dalalka Yurub ay qayb ka yihiin tartan ka geeska Africa ka socota.

 

Comments are closed.