Hoggaanka Maamul Goboleedyada Oo Hakiyay Wadashaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka.

818

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa lagusoo gaba gabeeyay kulankii hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ku lahaayeen kaasi oo lagu gorfeynayay faragelinta ay kala kulmayaan xukuumadda Kheyre.

Bayaan gaba gaba ah oo ay soo saareen kuwa isku magacaabay ‘Golaha iskaashiga Maamul goboleedyada’ ayay ku shaaciyeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysa dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaasha ku shiray magaalada Kismaayo ayaa eedeeymo dhowr ah ujeediyay dowladda Federaalka waxaana kamid ah in ay leexsatay dhaqaale Malaayiin dollar ah oo ‘Beesha Caalamka’ ay ugu deeqday maamul goboleedyada.

- Advertisement -

“dowladda dhexe shaqaalihii loogu talagalay arrimaha ammaanka ayay u adeegsatay burburinta dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkii Kismaayo.

Waxay sheegeen in Hoggaanka DF-ka ay maamul goboleedyada uga baxday heshiisyo taabanayay dhanka dhaqaalaha,ammaanka ,siyaasadda iyo dastuurka sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay xiriirka ujaraan.

Kulanka oo muddo afar maalmood ah socday waxaa goob joog ka ahaa Axmed Madoobe, Cabdi Wali Gaas, Shariif Sakiin, Axmed Ducaale Xaaf iyo Maxamed Waare.

Khilaafkan wuxuu imaanayaa xilli Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo ay wajahayaan mowjado mucaaradad ah oo uga imaanaya siyaasiyiin ay dhanka xukunka isku hayaan.

Comments are closed.