KULAMADII DHEX MARAY SOMALIDA IYO RAYSAL WASARAHA DALKA ETIYOBIYA

2,914

KULAMADII DHEX MARAY SOMALIDA IYO RAYSAL WASARAHA DALKA ETIYOBIYA

Jamaal cabdi

Taariikdu markii ay ahyd 24/8/2018 waxaa ka dhacay magalo madaxda dalkeena Etiyobiya shir ay wada yeesheen odayaasha deeganka somalida ee Etiyobiya iyo Raysal wasarah dalka waxaa kale 00 kulankan iyaguna qayb ka ahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda qoomiyada somalid ee xilalka kala duwan ka haya dawlada dhexe ee Etiyobiya

- Advertisement -

Muhiimada 100 qabatay kulankani waxaa ay ahayd mid looga gol lahaa sidii looga wada tashan lahaa mustaqbalka deeganka somalida ee kuyaala konfurta wadanka Etiyobiya 00 ay Bilihii la soo dhafay ay ka jireen rabshado meelo ka mid ah deegaankaasi.

Waxaa aynu lasoconay Bilihii aynu soo dhaafnay intooda badan inaanu deegan ahayn mid siyaasad ahaan degan

Dadka deeganka ku dhaqan 00 u badan xoolo dhaqato iyo reer guuraa waxaa ay cabsho badan ka soo tabinayeen dawaladii uu hogaaminayay mudane : abdi mohamuud omar 00 ahaa masuulkii ugu mudada dheeraa ee xil madax wayne ka qabta deeganka somalida Etiyobiya .

Tobanaankii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu ahaa deegaanku mid ku taalabsaday horumar la taaban karo 00 wax ku 001 ah 00 ka hano qaaday deegankaasi somalida Etiyobiya hadana waxaa aad u soo noqnoqonayay cabshada ay bulshada ku dhaqan deegankaasi ay kasoo tabinayaan dawlada ka ariminaysay deeganka .

Inkastoo ay marba marka ka danbaysa rabshad haasi cirka isku sii shareerayeen dadka deegaankaasi ee xog ogaalka u ah siyaasada deeganku waxaa ay dhabarka u saarayaan inay sabab u yihiin rabshadahaasi iyo cabshooyinkaasi isa soo taraya marba marka kasii danbaysa ciidanka booliska ee deeganka somalida 00 ahaa kuwo aan bulshada u teelo dhigan 00 hagar daamo iyo hanjabaado aan xad lahayn ka gaysan jiray deeganka somalida .

Waxaa ay ahaayeen kuwo ay masuuliyiinta masuulka ka ah deeganku ay siiyeen awood buuxda 00 aynu odhan karno waa mid xataa ka saraysa awooda ay leeyihiin ciidan waynaha dawalada dhexe ee

Etiyobiya

Markaa aynu eegno dhibaatada baahsan ee ay ka gaysteen deeganka somalida Etiyobiya .

Taasi 00 kama danbaystiii dhaxal siisay inay gabi ahaanba xilalkoodii ku waayaan masuuliyiintii deeganka somalidu.

Waxaa bilihii lasoo dhafay ay ciidanka dawlada dhexe dadaal baladhan ka galeen sidii gacan loogu soo dhigi lahaa masuulyiintii ugu saraysay deegaka somalida ka dib markii ay sameeyeen amar diido lid ku ah dawlada dhexe ee ka arimisa dalka Etiyobiya .

Taasina way u suuro gashay inay fuliyaan ciidanku markii ay kasoo qaadeen masuuliintii hore waxaa markiiba 100 macaabay masuul ku meel gaadh ah 00 xilka madxwayne sii haya si ku meel gaadh ah mud yar kadib waxaa ay dawladu shaacishay masuulka loo dhiibay inuu hogaamiyo xisbiga ka arimiya deeganka somalida Etiyobiya ( ESPDP).

Waxaasi rasmi ah u ahaan doona gudoomiya xisbigaasi :Mudane : Ahmed Shide 00 ah wasiirka isgaadhsiinta ee dalka Etiyobiya

Waxaa uu ku dhawaaqay Shir wada tashi ah 00 dhex mari doona odayaasha ka soo jeeda deegaankaasi somalida iyo raysal wasraha dalka iyagoo iskugu jiray cuqaal iyo aqoon yahano ayaa uu Shir rasmi ahi uga furmay magalada addis ababa ee casimada dalkeena Etiyobiya

Markii uuu furmay shirkaasi waxaa halkaasi laga wada doodad qofka noqon doona masuulka qaban doona jagada madaxwaynimo ee deegaankaasi .

Waxaa si rasmi ah loogu doortay madaxwayne ku xigeen ahaana doona kusii simaha madaxwaynaha hogaamin doona deegaanka : Mudane : Mustafe mohammed omar .

Dhaman masuuliyiintii kasoo qayb galay waxaa ay ku qanceen masuulkaasi loo igmada deegaanka madaxtinimadiisa .

Masuulku waxaa uu isna isla goobtaasi khudbad uga jeediyay boqolaal ka mid ah wax garadka ka kala yimid gobolada uu deeganku ka kooban yahay .

Waxaanu ugu baaqay inaan manta loo baahnayn in ay dadka deeganka ee ay colaadu soo kala dhexgashay ayna ku kicin falal aar goosi

Waxaa kale 00 uu halkaasi ka sheegay masuulku in la bilaabi doono horumar laxaad leh 00 shaqo abuur badan loogu samynayo dhalin yarad iyo dhamanba dadka deegaanka ku dhan waxaa kale 00 uu masuulku sheegay in halkiisii hare lagu soo celin doono magacii hore ee loo yaqaanay deegaanka somalida Etiyobiya 00 ahaa ( Somali state ) .

Waxaa kale 00 uu shaaca ka qaaday in gabi ahaanba la badali doono calankii iyo astaantii uu lahaa deegaanku tobankii sano ee lasoo dhafay .

Lana samayn doono astaan iyo calan ay ka muuqato soomalinimo waa sida uu hadalka u dhigaye taana waxaa uu ku macneeyay si aanu deeganka ugu dhicin dhaqan guur 00 ayanay dadku uga tagin somalinimada

Tani maaha buu yidhi masuulku mid lid ku ah ama ka hor imanaysa qawaaninta dawlada dhexe ee dalkeena sida aynu lasoconana deegan kastaa waxaa uu leeyaay astaan hoosaad iyo calmo u kooniya 00 ay haystaan .

Masuulku waxaa uu markii ay soo dhamdeen kulamdii ay masuuliyiintu la lahayd soamlida waxaa uu u kicitimay dhinaca deegan looga dhiga masuulka .

Markii uu soo gaadhay gagada diyaaradaha ee magalad jig jiga madaxwaynaha cusub ,gudoomiyaha xisbiga shabka ee deeganku iyo waliba masuuliyiin tiro badan oo kale waxa ay bulshadu isla gagada diyaar ugula ahayeen heeso iyo caleemo qoyan waxaana wajiyadooda dadkaasi ka muuqatay farxad iyo rayrayn badan waxanay dareemayeen inuu u baryay waa cusubi deeganka .

Waxaa ay halkaasi kula hadleen markii ay dhamtay farxadii iyo damanshadkii waxa ay warbin dheer u jeediyeen bulshada deeganka 00 si wayn uga dhul sugaySay iyaga waxaanay mar labaad iyo mar sadexaadba ku cel celiyeen masuuliyiintu inaanay dadku isku dayin inay kala aar goostaan 00 anay raadsan ama aanay sii dabo galin kuwii dhibatad ka gaystay deeganka iyo qarabadoodiiba .

Waxaa ay dadka ka codsadeen inay u gogaansamaan dawlada cusub 00 ay amarka qaataan uuna sharcigu sareeyo si loo gaadho horumar waara .

Marka aynu intaasi kaga soo gudubno khudbadahaasi ay u jeediynayeen bulshad masuuliyiintu waxaa loo balamay in shir aan caadi ahayn ay yeeshaan golaha wakiilada shacbiga deeganku si ay uga doodaan qodobo ay ka mid yihiin ansixinta madaxda cusub ee deeganku .

lyo waliba isla eegida dagmooyin iyo maamul magalooyin ay hore u magacaabeen masuuliyiintii hore ee uu dhamaday xukunkoodu .

Markii ay masuuliinta golaha shacbku kulmeen waxaa ay gacan tag ku ansixiyeen masuulka : Mudane: mustafe Mohamed omar inuu yahay madaxwayne ku xigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha ee deeganka soomalida Etiyobiya .

Sidoo kale Mudane : ahmed shide uu si buuxda u ahaan doono gudoomiyaha xisbiga deeganka ( ESPDP).

Markii ay dhamatay ansixintu waxaa loo diyaar garoobay in 100 dhaariyo masuulkasi jagdiisa .

Waxaa uu masuulku dhaartaasi ka dib la hadlay bulshad iyadoo ay halkaasi su,aalo ku waydiiyeen qaar ka mid ha mudane yaasha golahaasi.

Isna waxaa uu hadal dheer 00 uu halkaasi kasoo jeediyay umada mar labaad ugu baaqay inaan 100 baahnayn in la kala aargoosto 00 la is sii raadsado waxaa kale 00 uu u dheegay bulasha in la is acfiyo ama lagu dhameeyo dhibaatada sidii uu ahaa dhaqanka soomalidu 00 ay dadkii ay waxyeeladu kazoo gaadhay ay kala qaataangeel iyo wixii la midka ahaa ee ay soomalidu ku dhamysan jirtay dhibatooyinka soo kal dhex gala

Comments are closed.