SHIR JARAA, ID OO UU RAYSAL WASARUHU WARBAAHINTA U QABTAY

602

SHIR JARAA, ID OO UU RAYSAL WASARUHU WARBAAHINTA U QABTAY

 

Nuradin cali

 

Markii ay taariikhu ahayd 25/08/2018 waxaa uu Raysal wasarah dalku shir saxafadeed ugu qabtay qaybo ka mid ah war baahinta ka hawl gasha dalka Etiyobiya oo uu halkaasi kula hadlay warbaahinaasi kala duwan .

- Advertisement -

Waa markii ugu horaysay ee   intii uu talada wadanka qabtay  uu u qabto war baahinta shir saxafadeed sidan oo kale ah oo uu kaga hadlay waxay yaabo badan ooo ay ka mid yihiin dhibaatooyinkii ka dhacay deeganka  somalida iyo khilaafyo kale oo soo kala dhex galay xisbiga ( EPRDF) oo uu muran aan badnayni soo kala dhex galay iyo is fahan waa waxaa kale ooo uuu halkaasi raysal wasaruhu kaga hadlay qoyskiii reer djiboouti ee ay waxyeeladu kasooo gaadhay dhibaatooyinkii ka dhacay  deeganka somalida maalmihii lasooo dhaafay kaaasi oo sababay dhibaatooyin naf iyo maal ba leh waxaanay dhibaatooyinkaasi samayn laxaadle ku yeesheen qoomiyadaha kale ee aan somalida ahayn oo iyagana aad loo wax yeeleeyaya nafahooda iyo maalkoodiiba .

Waxaa  uuna muran ku jirin  sida wayn ee ay dawlada dhex ee ka  ka arimisa dalka etiyobiya ay qaybta laxaadka leh uga qaataday dhibaatooyinkaasi  hadheeyay deegaankaasi bilihii ugu dabeeyay waxaa gabi ahaanba xilalkii ay ka hayn jireen deegaan ka ku waayay masuuliyiintii ugu saraysay deegaanka somlaida  ee ku yaala dhinaca koonfureed ee etiyobiya waxaa uu sidoo kale raysal wasruhu xusay inaynay ahayn waxa loo adkaysan karo waxyaabihii yaabka lahaa ee ka dhacay koonfurta etiyobiya  waxaa uuu si cad u sheegay raysal wasaruhu in marka dadka ay xabsiga u taxaabaan deegaanka somalidu ay dadkaasi la xidhay kala kulmi jireen waxyaabo yaab leh oo uuna damiirku aadamuhu qadan karayn waxaana ka mid ahaa In ay dadka iyo qaar ka mid ah xayawanada wax cuna ee ay ka midka yihiin shabeelka iyo libaaxa iyo waliba kuwo kale ooo aad khatar badan uleh lagula xidhi jiray dadkaasi meelaha ay kaga xidhan yihiin jeelka magalada jigjiga ee magalo madaxda u ahayd deeganka soomalida  oo gabi ahaanba uu masuulku ku tilmaamay mid dadka aad loogu dhibay oo aan ahayn waxa hore loo arkay ama loo maqlay in dad iyo xayawaano khatar ah meel lagu wada xidho .

Raysal wasarah oo hadalkiisa sii wata aya waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qoyskii reer djibouti ee ku naf waayay rabshadihii ka bilawday meelo ka mid ah magalada dire dawa  .

Waxaa kale oo uuu shirkani jaraa,id kaga hadlay raysal wasaruhu dhismaha biyo xidheenka wayn ee uu dhismihiisu ka socdo etiyobiya .

Waxaa uu yidhi waxaa uu dib u dhac ku yimid  dhismaha biyo xidheenka waxaa uuna yidhi baahida ugu wayn ee maanta hor taagan dhismaha biyo xidheenku  inay tahay dib u dhacay ku yimid biraha iyo injineerada hawshiisa gacanta ku haya .

Waxaa uu yidhi baahida ugu darani waa in la dhamaystiro dhismaha  mashruuca biyo xidheenka

 

Waxaa kale oo uu raysal wasaruhu kaga hadlay  madaxwaynihii hore ee deeganka soma;ida oo hada ku sugan magalada addis ababa  .kadib markii uu sameeyay amardiido ku lid ah dawlada dhex ee ka arimisa etiyobiya .

Taasi oo sababtay inuu gabi ahaanba  kuwaayo xilkii madatinimo ee uu ka hayn jiray deegaankaasi .

Raysal wasaraha oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu ku eedeeyay :  abdi mohamoud omar inuu ahaa ruux ku lug leh weeraradii qorshays naa ka  ee dhacay 23/june weerarkaasi oo uu ku nafwaayay : mudane: sigmegnew bekele .

Mar ay waxa ka waydiiyeen warbaahintii goobtaasi uu raysal wasaruhu shirka jaraa,id ku qabanay kusuganayd  su.aalo ku aadan muxuu noqonayaa xukunka masuuliyiintii hore ee deegan somlidu ayaa waxaa uu yidhi taasi waxaa gacanta ku haya haydaha ay qusayso arintani ee dalka ka hawl gala .

Ooo ilaa hadana iyagu gacanta ku haya kiisaska ay masuuliyiintaasi ka gaysteen deegaanka  somalida

Waxaa dadaal loogu jiraa sidii looga saari lhaa mesha dhibaatoyinkii ay hore uga gaysteen deegaanka madaxdii hore ee deegaanku tobanankii sano ee lasoo dhaafay oo uu ahaa deegan somalidu mid ayna haba yaraatee ka jirin wax xuquuq  aadamo ah .

Waxaa uu noqday deegaan ku ay hadhaysay musuq maasuq iyo nini jeclaysi  iyo waliba hagar daamooyin .hanjabado aad loo beel dayin oo ay intooda badan gaysteen ciidankii ay gacntooda kusamysteen masuuliytaasi hore ( liyu police ) oo iyagu ula dhaqmay bulshadii deegaankaasi ku noolayd si aan arxan lahayn .

Markaa aynu si dhamystiran u eegno waxaa aynu ku tilmaami karnaa wixii ka dhacy deeganka somalidu inuu ahaa xasuuq aan gabsho lahayn oo dadka lagula kacay .

Sida aynu la socono maalintii shalay waxaa si rasmi ah loogu dhaariyay  : mudane : mustafe mohamed omar oo ah masaxwayne ku xigeenka deeganka ahana kusii simaha madaxwaynaha  waxanay si rasmi ah u bilabi doonaan shaqooyinkii loo igmaday .

Iyaguna waxaa ay bulshada ugu baaqeen il la ilaabo wixii dhibaato deeganka ka dhacay si loo sii hano qaado   horumarka deegaanka aanay dadkuna ku kicin inay sameeyaan falal aar goosi oo lid ku ah dawladooda la dhisay .

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay masuulkii loo magacaabay inuuu hogaamiyo xisbiga deegaankaasi : mudane : ahmed shide oo ah wasiirka iskaadhsiinta ee dawlada etiyobiya .

Guntii iyo gabo gabadii warsa xafadeedkaasi uu raysal wasaruhu u qabtay warbaahinta ayaa aad moodaa inuu si wayn diirada ugu saray deegaanka somlida iyo waxyaabihii ka dhacy oo uu ku tilmaayay raysal wasaruhu waxaan hore loogu arkin deeganada etiyobiya .

Waxaanu ku tilmaayay fiil xumo aad u wayn oo ay ka gaysteen masuuliyiintu deegaankooda  ay ka arimin jireen ,

Waxaa ay gabi ahaanba kolaha wakiilada umada deeganka somlidu kala noqdeen kalsoonidii todoba xubnood oo uu ugu horeeyo madaxwaynihii uu wakhdigiisu dhamaday.

 

Comments are closed.