SHIRKII QIIMAYNTA GOLAHA DHEXE EE XDSHSI

415

SHIRKII QIIMAYNTA GOLAHA DHEXE EE XDSHSI

Kadib qiimayntii golaha dhexe ee XDSHSI uu maalmahanba kujiray islamarkaana la isugu qiimaynayay si shaqsi shaqsi ah qodobo ay kamid ahaayeen: saraynta sharciga, cadaalada, cadcadaanta iyo islaxisaabtanka, arrimaha xaquuqul insaanka, musuqa, xalinta khilaafaadka iyo midaynta qoomiyadaha dalka, islahalganka iyo waliba dhacdadii foosha xumayd ee 4tii August kadhacday magaalada jigjiga ayaa wuxuu goluhu xal u arkay inay xubinimadoodii gudiga fulinta, golaha dhexe iyo mas’uuliyadii xafiisyada ay hayeenba ay ka tanaasulaan 8 xubnood oo isugujira 3 gudi fulin ah iyo 5 gole dhexe ah iyadoo ay xubnuhuna si wayn ugu qanceen sida uu gudoomiyaha XDSHSI ahna wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada mudane axmed shide uu usheegay warbaahinta dalka.

Comments are closed.