·  Madaxwaynaha dowlada deegaanka soomaalida mudane mustafe muxumed cumar ayaa waraysi balaadhan siiyay warbahinta dalka

833

Madaxwaynaha dowlada deegaanka soomaalida mudane mustafe muxumed cumar ayaa waraysi balaadhan siiyay warbahinta dalka.
Waraysigan ayuu madaxwaynuhu kaga waramay xalada deegaanka dhibaatooyinkii ka dhacay, iyo dadaalada isbadalka leh ee xukuumadu wado.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in la dhameeyey qiimaynta xubnaha xisbiga iyo maamulada gobolada degmooyinka iyo maamul magaloyinka deegaanka iyo qiimaynta ciidamada amaanka islamarkaana si dhakhso ah loo qiimayn doono shaqalaha dowlada deegaanka soomaalida meelkasta oo ay deganka ka joogaan si ay uula jaan qadan hananka isbadal ee dhan walba leh oo saldhig looga dhigayo cadaalad ku shaqaynta.
Madaxwaynaha ayaa kawaramay isbadalka deegaanka ka socda inuu yahay mid dhidibo adag loogu taagayo cadaalada,dimuqraadiyada,wada noolaanshaha,iyo horumar dadka udhaxeeya.

Comments are closed.