Gudoomiyaha xisbiga ODPO iyo EPRDF RW Dr abiyi axmed ayaa sheegay inay guusha itoobiya kujirto iskaashiga iyo midnimada qoomiyadaha dalka.

2,908

Gudoomiyaha xisbiga ODPO iyo EPRDF RW Dr abiyi axmed ayaa sheegay inay guusha itoobiya kujirto iskaashiga iyo midnimada qoomiyadaha dalka.

JIMMA(SRMMA)Sep 19,2018.Raysalwasaare Dr abiyi axmed ayaa khudbadii uu kasoo jeediyey shirwaynaha 9aad ee xisbiga OPDO kucadeeyey inuu wadankeenu u baahanyahay midnimo islamarkaana aan Haba yaraate loobaahnayn in wadanka labur buriyo.

Dr abiy ayaa sheegay inayna qoomiyada oromadu cadaadisyadii iyo nidaamyadii hore ee Gumaysiga udalqaadanin oo ay qoomiyadu iyadoo kaashanaysa umadaha kale ee itoobiya ay iskadul qaadeen reeryadii Gumaystayaashi reer Galbeedka ee wadankeena soo Hantaday.

- Advertisement -

Sidookale Gudoomiya xisbiga EPRDF iyo OPDO Raysalwasaare Dr abiy axmed ayaa xubnaha xisbiga iyo waliba shacabka oromada ugu baaqay in loobaahan yahay inay qoomiyada oromada oo kaashanaysa qoomiyadaha ee ay walaalaha yihiin ee reer itoobiya ay Tahay in iyadoo aan isbahaysanayno wadamada dariska ah aan sii xoojino dhismaha wadankan ay aabayaasheen inoo dhiseen iyo wadamada kale ee Geeska afrikaba.

wuxuuna Masuulka intaa kudaray inaan loobaahnayn ururada siyaasadeed ee farada badan ee magaca oromada kuhalgamaya.

Dr abiy ayaa sheegay in iyadoo laraacayo dhaqankii wanaagsanaa ee aan aabayaasheen kadhaxalay ay Muhiim tahay inaan sii adkayno midnimadeena, isjecaylkeena iyo isqadarinta itoobiya islamarkaana loo baahanyahay inaan sii xoojino midnimada iyo daris wanaaga ummadaha bari afrika.

Gudoomiyaha ururka isbahaysiga EPRDF iyo OPDO ahna Raysal wasaaraha JDFI Dr Abiy axmed ayaa Tilmaamay in shirwaynahan 9aad ee xisbiga OPDO isbadal badal lagu samaynayn doono magaca iyo calaamada xisbiga OPDO islamar ahaantaana isbadal balaadhan oo sal baar ahna lagu samaydoono qaybaha kaladuwan ee Hogaaminta Xisbiga OPDO ee deegaanka oromada iyo dalkaba ka arrimiya.

wuxuu Gudoomiyuhu xisbiyada kale ee deegaanada dalka hogaamiya ubaaqay inay isbadal kusameeyaan Magacyada ay kusoo halgameen iyo qaabdhismeedkoodaba.

Dr abiy ayaa sheegay inaan loobaahnayn ururada badan ee shacabka oromada kala qaybiyey ee waa inay ururada siyaasada ee deegaanka oromadu noqdaan ugu badnaan 2 ama 3 urur siyaasadeed mana aha ayuu yidhi in lagu ganacsado Magaca shacabka oromada.

iskusoo wada duuboo Hadaladii ugu muhiimsanaa ee uu Gudoomiyaha OPDO iyo Isbahaysiga EPRDF Dr abiyi axmed uu kasoo jediyey shirwaynaha 9aad ee xisbiga OPDO ayaa waxaa kamid ahaa:-

 itoobiya waaan dhisaynaa,afrikana waan dhisaynaa cid midnimadeena is hor istaagi kartana Majirto.
 oromadu waxay nadhaxalsiisay inaan korino dhalaanka aan waalidka lahayn iyo Sida cadawga dibada looga guulaysto ee nama barin sida dadka aan walaalaha nahay loo dilo.
 qoomiyada oromada waxay Masuuliyad kasaaran tahay Midnimada wadankeena.
 qoomiyada oromadu door muhiima ayey kaqaadatay dagaaladi Gumaystayaashi reer galbeedku kuwankeena kusoo qaadeen.

 Abbaa jafaar oromo oo kaliya uma Halgamin ee wuxuu ahaa geesi itoobiya oo dhan ufakarayey wakhti xaadirkan looma baahna inaan isticmaalo xeeladihii aan qarniyadii hore kusoo guulaysanay

 shaqsiyada odhanaya oromo wadanka mahogaamin karaan,waxaan leenahay:-oromadu isdaa inay wadan hogaamisee wadanka laftiisa ayey dhisi karta,oromadu siday nidaamka gedhaaga dunida u bartay ayey nidaamyo maamuled oo fiican utusi doonta ummadaha itoobiya iyo afrikaba

 Shacabka itoobiya waxay awood uleeyihiin inay cadawgooda kula dagaalamaan, warbaahin,dhaqaale iyo xeelado kaleba,cadawguna Hal mar iyo laba jeerba taas ha ogaado

 Hadii ay jiraan ururo siyaasadeed oo iyagoo cadaw kaashanaya, Halganka oromada gadaal uceliyaa, intaan cadawga idin kasaaro ayaa la idin waayi doonaa, ilaalinta saraynta sharciga cidna ma amaahin doono masuuliyad baana naga saaran

 Hadda kadib magaca oromo laguma ganacsan doono, 15 iyo 20 xisbi oo magaca oromada kuhalgama looma baahna ee laba ama sedex urur siyaasadeed ayaa halganka oromada ku filan

 Midnimadu ma aha in aroortiina meel la istaago, galabkii meel la istaago ee waa inaan inagoo kaashanayna dhamaan umadaha itoobiya aan hormarka iyo midnimada guud kawada shaqayno

 Fariintayda ugu wayna waa inaan qaadano hal aragti oo loogu guulaysan karo,si markaasi aanu Quruumaha, qoomiyadaha iyo shucuubta kale itoobiya Fikir iyo hadaf midaysan aan kula noolaano.

Comments are closed.