wisaarada arrimaha dibada ayaa sheegay inay itoobiya guulo wanaagsan kakeentay xubinada kumeel gaarka ah ee Golaha amniga qaramada midoobay.

369

wisaarada arrimaha dibada ayaa sheegay inay itoobiya guulo wanaagsan kakeentay xubinada kumeel gaarka ah ee Golaha amniga qaramada midoobay.

.
Afhayeenka wisaarada Arrimaha dibada itoobiya ayaa sheegay inay itoobiya Guulo waxku oola kakeentay xubinimada kumeel Gaarka ah ee Golaha amaanka Qaramada midoobay. Afhayeenka Wisaarada arrimaha dibada JDFI Mudane Meles Alem ayaa Warmurtiyeed uu Maanta Soo Saaray kucadeeyey in 21kii bilood ee lasoo dhaafay ay natiijooyin Wanaagsan kakeentay Xubinimada Kumeel Gaarka ah ee Golaha Amniga qaramada midoobay, islamarkaana Ay Hawlahani yihiin shaqooyin Faaiidooyin balaadhan uleh Wadamada afrika iyo beesha caalamkaba. Wuxuuna Mudane males alem uu tilmaamay in wadanka itoobiya oo kuyaala Mandaqada Geeska afrika oo dhibaatooyinka badan oo dhinaca nabad galyada iyo Xasiloonida ah kajiraan uu hadda wadanku dadaalo xoogan geliyey Xasilinta iyo Maslaxad nabad kuwada noolaanshaha wadamada geeska afrika.

Sidookale Afhayeenka ayaa sheegay inay dawlada itoobiya waxwayn kaqabatay Hawlaha nabadaynta soomaaliya iyadoo ay itoobiya samaysay in wakhtiga loo dheereeyo Ciidamada nabad ilaalinta amison ee soomaaliya jooga,in dhinaca dhaqaalaha iyo Maaliyada laga Taageero soomaaliya iyo Wada xaajoodyo Balaadhan lalayeeshay Wadamada Golaha nabad ilaalinta Amisoom.

Afhayeenka ayaa intaas kudaray in itoobiya oo dhinaca nabad ilaalin khibrad dheer uleh ay wadamada ay ciimada qaranka itoobiya nabad ilaalinta utageen ay hawlo waaweyn oo dhinacyada nabad ilaalinta iyo horumarinta kasoo qabteen.

Mudane males alem ayaa warmurtiyeedka kusheegay inay itoobiya door libaax kacayaartay dib uheshiisiinta hogaaminta koonfurta suudan iyo soo afjarida khilaafka 5ta sano soojiitamay ee wadankaas.

Afhayeenka wisaarada arrimaha dibada ee JDFI mudane meles alem ayaa sheegay inay itoobiya wadamada geeska afrika uhorseeday inay dhibaatooyinka afrika ay xaliyaan afrikaanku,islamarka ahaantaana ay itoobiya nabad wanaagsan kasoohoyisay heshiiska eritariya iyo jabuuti iyo waliba eritariya iyo itoobiya. Afhayeenka ayaa intaas kudaray inuu warmurtiyeedkani ku aadan yahay shirwaynaha 73aad ee hogaaminta qaramada midoobay ee dhawaan kafurmidoona magaalada newyork ee cariga maraykan .wuxuuna mudane males alem cadeeyey in shirwaynahan looga wada hadlidoono nabadgalyada,hormarka iyo arrimaha bulshada ee 3da bilood ee soo socota.

Afhayeenka arrimaha dibada ayaa sheegay inay itoobiya kulanka kaqayb gelin doonto Masuuliyiin Sare oo ilaalin kara Faa’iidada dalka iyo Mida wadamada afrika,islamarkaana ay Itoobiya Muujin doonto Kaqaybgal wanaagsan oo dhinaca diblamaasiyada iyo arrima amniga ah.

Addisababa(SRMMA)Sept 20,2018

- Advertisement -

Comments are closed.