WAR-MURTIYEED KA SOO BAXAY XAFIISKA WAYSUL WASAARAHA DALKA.

1,582

War-murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in lasii dadar galinayo in sharciga la horkeeno kooxihii iyo shaqsiyaadkii xad-dudubka xuquuqaha gaystay,dhacay hantida dawlada iyo shacabka iyo kuwii soo maleegay qaraxii bamka 16kii Sene.

Raiisul wasaare Dr abiy axmed ayaa xusay in sababaha howl-galkan loogu dhaqaaqay ay tahay ka jawaabida suaalihii cadaalada ee mudada dheer shacabka dalku weydiinayeen dawlada iyo ta labaad oo ah in dawlada ay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta sarreynta sharciga.

Raiisulwasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dawlad jiritaankeeda qodobada lagu xaqiijiyo ay kow ka tahay xaqiijinta hannaanka caddaaliga oo umada la gaadhsiiyo,taasina ay taabbo-gali karto marka muwaadiniinta nadiifta ahi ay madaxooda kor uqaadi karaan cabsi la”aan,dambiilayaashuna ayna helin goob ay gabbaad ka dhigtaan.

Itoobiyana ayna ahayn madal dambiilayaashu ku jeesteeyaan oo kaliya ay xaragoon karaan muwaadiniinta nadiifta ahi, dal dambiilayaasha lagu ciqaabo wax gabood-fal ah ee ay gaysteen,kuwa ku fikirayana ay ka digtoonaadaan galida dambiyada,islamarkaana lasii wadi doono hal-dhabaalaynta kuwa hoday umada oo ay wali farba- ka- qodnayn.

Raiisul-wasaare Dr abiy axmed ayaa tooshka ku shiday in cudurka kansarka iyo dambigu ay mid yihiin, qofka dambiga gaysanaya uu marka hore u haysto inuu macaashayo balse marka dambe uu dib isku cunayo oo uu gaadhayo heer aanu dib usoo kabsan Karin.

Geesta kale mar uu ka hadlayay sida shacabka dalku gacan hor leh uga gaysanayaan soo gudbinta iyo gacan ugalinta laamaha amaanka dambiilayaasha ayaa waxa uu sheegay inay umuujiyeen in dambigu yahay wax laga xishoodo,kuna rajo-weyn yahay inay sii joogtayn doonaan. Sidoo kalana hooyga dambiilayaashu uu noqdo oo kaliya xabsiyada ee aanay noqon shucuubaha iyo qoomiyadaha dalku meel ay gabbad kasoo dhigtaan kuwa shacabka ragaadiyay.

- Advertisement -

Comments are closed.