Magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eritrea waxaa xalay lagu saxiixay heshiis lagu sheegay iskaashi oo dhaxmaray sedax hoggaamiye.

473

Magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eritrea waxaa xalay lagu saxiixay heshiis lagu sheegay iskaashi oo dhaxmaray sedax hoggaamiye.

Shir Jaraa’id oo uu qabtay wasiirka warfaafinta xukuumadda Asmara ayuu ku sheegay in heshiis iskaashi ah ay wada saxiixdeen Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo metelayay dowladda Federaalka Soomaaliya,Asias Afawarki madaxweynaha Eritrea iyo Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya.

Heshiisyada ay dhinacyadu kala saxiixdeen ayaa taabanaya dhanka ammaanka, dhaqaalaha iyo dhaqanka sida lagu sheegay warsaxaafadeed oo wadajir ah oo shirka Asmara kasoo baxay.

- Advertisement -

Kulan aan horay loosii shaacin ayaa shalay ka furmay magaalada Asmara kadib markii R/wasaaraha Itoobiya uu Farmaajo ku amray in uu caasimadda Eritrea iska xaadiriyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in heshiiska lagu saxiixay Asmar ay gadaal ka riixayso dowladda Imaaraatka Carabta oo doonaysa in ciriiri dhaqaale ay geliso dowladda Jabuuti oo khilaaf kala dhaxeeyo.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa maalgelinaysa dekadaha wadanka Eritrea halkaas oo lafilayo in Itoobiya ay kalasoo degto badeecadaha ay dibadda kasoo dhoofsato.

Sidoo kale imaaraatka Carabta ayaa uballan qaadday dowladda Itoobiya in ay udhisi doonto illaa afar dekadood oo Farmaajo ku wareejiyay Abiy Axmed Bishii July ee lasoo dhaafay.

Comments are closed.