Abiy Ahmed oo gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa gaaray dalka Eritrea isagoo wadahadlo la yeelan doono Madaxweynaha dowladda Ertrea Afewerki.

Sidoo kale waxaa magaalada Asmara lagu wadaa inuu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyadoo wadahadal saddex geesood ah uu ka dhici doono magaalada Asmara.

Wasiirka Warfaafinta dowlada Eritrea ayaa sheegay in Abiy Ahmed booqasho labo maalin ah uu ku joogi doono dalka Eritrea si loo howlgaliyo Heshiisyadii ay horay u wada gaareen.

Shirka ay saddexda dal yeelanayaan ayaa lagu wadaa in loogaga hadlo khilaafka u dhexeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa mugdi soo galay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran dalka Eritrea.