Sidee Al Shabaab Ugu Suurtagashay in Lix Bilood Gudahood Ay Fuliso 418 Weerar? [Warbixin].

Shabakad lagu magacaabo LONG WAR JOURNAL oo ka faalloota arrimaha dagaallada, fadhigeeduna yahay dalka Mareykanka ayaa daraasad kooban ka sameysay weerarada ay fulisay Xarakada Al-Shabaab muddo lix bilood gudahood ah oo ka bilaabaneysa October 2017 ilaa April 2018.

Waxayna sheegtay in mudadaas ay Xarakadu qaadday 418 howlgal oo kala duwan kuwaas oo beegsadayMaleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan wadanka Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in 75% ay weeraradan ka dhaceen magaalooyinka dhaca koonfurta Soomaaliya, haba ugu badnaato Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay warbixintu sheegtay in ay martigeliyeen 30% boqolkiiba howlgallada ay fuliyeen Al Shabaab.

Howlgalladan ayaa isugu jira dagaallo toos ah, qaraxyo, dilal qorshaysan iyo weeraro naf-hurnimo sida warbixinta lagu sheegay waxaana ugu badnaa weerarada tooska ah ee lagu qaadayo saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ciidamada shisheeyaha AMISOM.

 

Bartilmaameedka ugu horeeya howlgalladan ayaa ahaa maleeshiyaatka dowladda kuwaas oo nasiib u yeeshay 54% boqolkiiba howlgallada Mujaahidiinta oo ka dhigan 224 weerar, halka ciidamada AMISOM ay la kulmeen boqolkiiba 28, taas oo iyadana ka dhigan 117 weerar.

Daraasaddu waxay sheegtay in bartilmaameedyada kale ee lagu beegsaday howlgalladan ay isugu jiraan saraakiisha iyo shaqaalaha hay’adaha sirdoonka ee DF-ka iyo roondooyinka kolonyooyinka ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee wada socda.

125 ka mid ah howlgalladan waxay warbixintu sheegtay in ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda halkaas oo ah goobta uu ka socda hardan ugu adag ee u dhexeeya Al Shabaab iyo soo duulayaasha. Waxay warbixintu sidoo kale sheegtay in sanadkan ay aad u korotay tirada howlgalada Mujaahidiinta Buuraha Goolis, kuwaas oo fuliyey ugu yaraan 23 howlgal mudadaas lixda bilood ah, iyadoona tilmaantay in weeraradaas ay intooda badan ka dhaceen magaalada Boosaaso iyo deegaannada ku xeeran.

Mar ay daraasadu milicsatay howlgallada guutada Istish-haadiyiinta ayey sheegtay in mudaddaas lixda bilood ah ay guutadu fulisay 10 duullaan oo isugu jira camaliyaat Istish-haadi ah kuwa Inqimaasi ah, waxayna beegsadeen bey tiri xarumaha dowladda Soomaaliya iyo saldhigyada ciidamada AMISOM.

Warbixintu waxay sheegtay in Xarakada Al-Shabaab ay hardan adag kaga jirto Soomaaliya tan iyo markii laga qabsaday magaalooyinkii waaweynaa ee ay joogtay dalka sanadkii 2011-kii balse waxay sheegtay in waddo dagaallo ku dhuf oo ka dhaqaaq ah oo naafeeyey ciidamada shisheeye iyo ciidamada dowladda islamarkaana u suurageliyey in ay si tartiib-tartiib ah ku soo ceshato magaalooyin iyo deegaano horay looga qabsaday oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Xarakada Al-Shabaab waxay halis ku tahay saldhigyada ciidamada midowga Africa, iyo kuwa ciidamada Soomaaliya, waxayna sidoo kalena awood u leedahay in ay weerarto goobaha aadka loo ilaaliyo ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho” ayey tiri warbixinta.

Mar ay soo hadal qaadday Jabhadda ka howlgasha gudaha Kenya ayey warbixintu sheegtay in geesiyada ka howlgala dhulkaas ay qaadeen ku dhawaad 20 weerar intii lagu gudajiray mudadaas lixda bilood ah, kuwaas oo ka kala dhacay gobolada Lamu, Garissa, Mandhera, Wajeer iyo Tana Riiva, kuwaas oo badankood lala eegtay ciidamada military-ga iyo kuwa police-ka.

“Kooxdan oo ah farac ka tirsan ururweynaha Al-Qaacida ayaa sidoo kale halis ammaan xoogan ku haya waqooyiga Kenya, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro dhowr ah oo isugu jira dagaallo toos ah iyo qaraxyo miinooyin ah, waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay ay aad u kordhiyeen tirada iyo tayada howlgaladooda” ayaa lagu yiri warbixinta.

Daraasaddan ayaa gebagebadii lagu sheegay in Mareykanka uu ugaarsi iyo beegsan ba’an ku hayey Xarakada Al-Shabaab tan iyo 2006-dii, xilligaas oo ay weeraradooda ku bilaabeen taageeradii ay siinayeen duullaankii xabashida, iyadoona dishay hogaamiyeyaal dhowr ah oo ka tirsan Mujaahidiinta, sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sanadkii 2017-kii kordhiyey weerarada xagga cirka ee ay ka fulinayaan Soomaaliya ka dib markii Mareykanka uu sheegtay in Xarakadu ay weli tahdiid ku tahay danahooda iyo danaha xulifadooda.

Laakiin iyadoo ay sidaas tahay, hadana waxay warbixintu sheegtay ololaha dagaal ee Mareykanka iyo duqeymaha uu ku hayo Mujaahidiinta aysan yeelan saameyn waxtarleh oo yareyn karta dhaq-dhaqaaqa iyo howlgaladooda, welina ay Xarakada gacanta ku heyso magaalooyin iyo deegaanno ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaas oo duullaanada military ee ciidamada Midowga Afrika iyo duqeymaha Mareykanku intuba ay suuragelin waayeen in la qabsado.

Xigasho: Long War