Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee uu ku suganyahay hoggaamiyihii hore ee maamulka Jigjiga ee wada shaqeynta lalahaa Xabashida Itoobiya. 

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee uu ku suganyahay hoggaamiyihii hore ee maamulka Jigjiga ee wada shaqeynta lalahaa Xabashida Itoobiya.

Cabdi ileey oo ku xiran Xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo kuna yaal magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay in ay lasoo gudboonaadeen cudurro halis gelinaya noloshiisa sida ay sheegeen ehelladiisa.

Hooyada dhashay Cabdi ileey ayaa warbaahinta u sheegtay in uu xanuun soo ritay iyadoo ugu baaqday dowladda Itoobiya in ay xabsiga kasii dayso.

“Magaceygu waa Deed Mahad Coloow, waxaan ahay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto inaad cafisaan Cabdi Maxamuud oo gacanta ugu jira cadow, waxaan R.W Itoobiya ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo”. Ayay tiri Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud oo warbaahinta lahadashay.

Dad uu ehelladooda horay u xasuuqay Cabdi ileey ayaa baaqyada soo yeeraya ku tilmaamay kuwa afgubaadsi ah oo lagu doonayo in lagusii daayo kadibna loo dhoofiyo meel ka baxsan Itoobiya.

Cabdi ileey ayaa intii uu xilka hayay wuxuu xasuuqay kumanaan qof reer Somaligalbeed ah wuxuuna caan ku ahaa dhismaha xabsiyada fadeexadda ku caanbaxay ee Jeel Ogaadeen iyo Asluubta.