Isbeddellada Diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu kadib markii uu ka qaybgalay shirkii Shiinaha iyo waddamada Afrika isagoo kusoo hakaday Eritrea oo heshiis saddex geesood ah ay ku kala saxiixdeen waddamada Eritrea, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhinaca kale intii uu joogay Asmara waxa uu kulan la yeeshay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo Xoghayaha Guud ee Ururkaas Cabdiraxmaan Mahdi. Haddaba wafdiga Soomaaliya ee shirarkaasi ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Khadka telefoonka ee magaalada Asmara ugu warramay Haaruun Macruuf.

Sidoo kale waxaad hoos ka dhagaysan kartaa warbixin gaar ah oo ku saabsan doorka Soomaaliya iyo waxa ay uga dhigan yihiin nabad iyo iskaashi dhaqaale waddamada Gobolka. Warbixintaasina waxaa inoo diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.