Weerar 5 Askari Lagu Dilay oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo iyo Guddoomiyaha Buuhakaba oo Labeegsaday.

Weerar khasaara badan dhaliyay ayay ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen deegaanno dhaca duleeyada magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 askari lagu dilay weerar gaadmo ah oo xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyeen mid kamida Koontaroolada lagasoo galo magaalada.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka qaaday ay burburiyeen barta koontarool islamarkaana ay horay usii qaateen illaa 3 qoray oo ay wateen ciidamada dowladda.

Dhinaca kale kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay guddoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa lagu weeraray wadada xiriirisa Buur iyo Baydhabo, warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in gaariga guddoomiyaha Buurhakaba lala helay Gantaal nuuca garbaha laga gemo ah.

Weerarka oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Al Shabaab ayaa sababay in waxyeello xooggan soo gaarto gaariga labeegsaday balse lama sheegin wax dhimasho ah oo weerarka ka dhashay lamana oga xaaladda uu ku suganyahay guddoomiyaha Buurhakaba.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta weerarka sida xun ugu dhaawacantay uu kamid yahay Madaxa maaliyadda degmada Buur Ninka lagu magacaabo Max’med Liibi.