Ciidamada Itoobiya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Jigjiga.

Magaalada Jigjiga ee xarunta dhulka Somaligalbeed ayaa xalay ku Waabariisatay Bandow adag kadib markii ciidamo Itoobiyaan ah ay isku fidiyeen dhammaan xaafadaha magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Bandowgu uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo ganacsiga magaalada, ciidamada melleteriga Itoobiya ayaa lagu arkayaa iyagoo taagan waddooyinka.

Bandowgan ayaa yimid kadib markii iskusoo baxyo rabshado wata oo ka dhan ah maamulka Cusub ee Cagjar hoggaaminayo ay shalay ka dhaceen qaar kamid ah xaafadaha magaalada jigjiga.